IRC-Galleria

BIG-Money

BIG-Money

Wiilka- Habeenka ( Night-man

Uusimmat blogimerkinnät

Selaa blogimerkintöjä

Blogi

« Uudemmat - Vanhemmat »

mmmmmKeskiviikko 23.11.2005 16:01

Dharaar ma hargalo
Aduun baabay helayee
Runtii ku helayoo
Caawaan inbadan
Oonkaan u liitay
Iga ba'ay harraadkii

Hannaan wanaageey
Hadal macaaneey
Wadnahaad haleeshayoo
Waad hirgalaysaa
Runtii ku helayoo
Maantaan inbadan
Oonkaan u liitay
Iga ba'ay harraadkii

Ololaha jacaylkeenna
Yididiiladeeniyo
uur midoo fiyowbaan
ku abaabulaynaa
Ubixii aan beernaan
ku intifaacsanaynaa
Caawaan in badan
Oonkaan u liitay
Iga ba'ay harraadkii

Afar gu' iyo dheeraad
Axdigaynu taagnay
Ayaan dantiyo guur
u adkaynay gaarnoo
Marwadayda noqotoo
Ubad daadahaysee
Caawaan in badan
Oonkaan u liitay
Iga ba'ay harraadkii.

« Uudemmat - Vanhemmat »